Ceeldheer, Galgaduud – Waxaa degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga ka dhacay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dardargelinta amniga iyo xasiloonida guud ee gobolka, iyadoo kulankaasi ay ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xal u helidda shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Hul-Caduur, halkaas oo heshiis rasmi ah laga gaaray. Saraakiisha Ciidamada Qaranka oo goob joog ka ahaa heshiiskaas ayaa sheegay in la dhameeyey khilaafkii dhacay, isla markaana ay muhiim tahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada si loo sugo nabadda deegaanka.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balan qaaday inay ka go’an tahay adkeynta amniga iyo xasiloonida, iyagoo sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, si looga hortago wax kasta oo khatar gelin kara nabadda.
Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday inay si dhow uga qaybqaataan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xooggan uga socda bariga gobolka Galgaduud, iyagoo xusay in wadajirka bulshada iyo ciidamada uu yahay furaha guusha la gaari karo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la filayo in kulamo kale oo la mid ah lagu qabto deegaanada kale ee hoostaga degmada Ceeldheer.




