Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .

 

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha hey’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Banadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday waxaa looga haddlay xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qaybgashay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here