Kulan looga hadlayay wada shaqeynta SoDMA iyo WFP oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo madax kale oo ka tirsan SoDMA ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu la leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee qaramada Midoobay.

 

La-taliyaasha iyo howlwadeennada hay’adda ayaa warbixin dhammeestiran kuna aaddan aragtida fog ee hay’adda SoDMA la wadaagay madaxda WFP ee uu hogaaminayay Md. El-Khidir Daloum oo ah Madaxda WFP ee Somalia.

Sidoo kale hay’adda WFP ayaa iyadana shirka la wadaagtay qorshayaasha fog ee WFP xafiiskeeda Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada hay’addod, si qoota dheerna looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in lala dagaallamo leexsashada gargaarka bini’aadannimo iyo hubinta in gargaarku gaaro dadka tabaaleysan ee lagu talagalay si hufan isla-markaana waqtiyeysan.

Ugu danbeeyn: Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka mahad-celiyay wada shaqeeynta dhow ee ka dhaxeysa SoDMA iyo WFP Iyo guulihii taariikhiga ahaa ee la wada gaaray oo ay ka mid tahay; hormarinta iyo diyaarinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee hay’adda SoDMA yeelatay iyo mashaariicda kale ee la xiriirta kor u qaadidda awoodaha hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here