Janaale, Shabeellaha Hoose – Deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta amniga deegaanka, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo kor u qaadista wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo laamaha amniga.
Kulankan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa si gaar ah loogu bogaadiyay howlgallada isdaba-joogga ah ee ay wadaan ciidamada Geesiyaasha Qaranka ee Guutada 14-ka October, gaar ahaan hawlgallada ka socda goobaha howdka ah ee ku teedsan Janaale, halkaas oo Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah u mari jireen, kana fulin jireen weerarro ku wajahan deegaanka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta deegaanka Janaale oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Al-Caddaala, iyo Kaaliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Mustaf Cumar Caalin (Eji-cadde), waxaana la socday saraakiil ka tirsan ururrada 144-aad iyo 145-aad ee isla guutadaas, kuwaas oo saldhigyo ku leh deegaanka Janaale.
Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ayaa isku raacay in howlgallada socda la sii dardar-geliyo, lagana hortago isku day kasta oo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay kusoo galaan deegaanka ama ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la doonayo in lagu sugo xasilloonida, lagana nadiifiyo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.




