Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo baaqday + Sababta

0

MUQDISHO (SMN)  – Kulan xasaas ah oo ay maanta lahaayeen xubnaha Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada.

 

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay baaqashada ay tahay, kadib markii ay Baydhabo u safreen xildhibaanada Digil iyo Mirifle ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo soo xiray kulanka markii uu buuxsami waayay kooramka ayaa hadal kooban siiyay warbaahinta, wuxuuna ka digay in xildhibaanadu ay soo xaadiri waayay baarlamaanka.

Baaqashadan kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya maamulka Laftagareen iyo Villa Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku qabtay arrinta Itoobiya, waxaana Koonfur Galbeed ay ka hortimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan keenista ciidamo Masaari oo ah lagu beddalayo kuwa Itoobiya, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

Xiisadda ayaa sii xoogeystay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kadib markii dibad-baxyo lagu taageerayo Itoobiya ay ka dhaceen degmooyinka Waajid iyo Xudur, isla markaana ay soo dhaweeyeen xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Si kastaba, waxaa maanta Baydhabo ka dagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu ujeedkiisu yahay in xal waara laga gaaro tabashada maamulka Koonfur Galbeed, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka guud ahaan dalka & dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here