Kulmiye oo Ka Hadlay Suurtagalnimada Doorashada Qof iyo Cod ee Galmudug

0

XARARDHEERE [SMN] – Guddoomiyihii hore ee Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay suurta galnimada in Galmudug ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod.

 

Waxa uu sheegay in deegaanada Galmudug aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod inta Al-Shabaab ay heestaan degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan maamulkaasi.

Kulmiye waxa uu sheegay in aan dadka lagu jahwareerin waxyaabo aan suurta gal ahayn, wuxuuna ku adkeeyay in doorasho daah-furan oo qof iyo cod ah aysan ka dhici doonin Galmudug ilaa xaaladda amni la hagaajiyo.

Waxa uu sheegay in doorashooyinka dadka laga qaybgelin doono inay qaataan waqti dheeraad ah si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo ka qaybgalka dadweynaha.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in maamulada uu waqtiga ka dhacay la siiyo waqti dheeraad ah, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in doorashooyinka si degdeg ah loo qabto, iyadoo aan la abuuri karin xaalad khal-khal ah oo siyaasadeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheenaysa in maamul goboleedyada adeecsan siyaasadeeda ay halmar u wada qabtaan doorasho dadweyne si ay u dhisto gogol xaar doorasho qof iyo cod oo heer Federaal ah, taasoo ka soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka ee qabsoomida doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here