Muqdisho – Kusimaha Guddoomiyaha, kuna-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo ku saabsan ka joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.
War-saxaafadeedka Kusimaha Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xaaladda la xakameeyo, lana hubiyo in fadhiyada Baarlamaanka ay u socdaan si nabad ah, habsami leh, isla markaana waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha.





