Kusimaha Madaxweynaha oo Qaabilay Wafdi ka Socday ALECSO

0

Muqdisho –  Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan hay’adda u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee ALECSO.

 

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee ALECSO, Mohamed Ould Amar. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulkadir, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Salax Cabdi, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo cilmi-baarista. Wafdiga ALECSO ayaa la wadaagay Kusimaha Madaxweynaha warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu ka waddo Soomaaliya iyo heerka wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha waxbarasho ee dalka.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey ALECSO doorka ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo kobcinta cilmi-baarista. Waxa uu wafdiga ku boorriyey inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayada waxbarashada, horumarinta aqoonta iyo dhisidda jiilka cusub ee aqoonyahannada dalka.

May be an image of dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here