Laba qof oo ku dhintay cudur ka dilaacay gobolka Shabeelaha Dhexe

0
default

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahey nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

 

Wasiirka ayaa yiri “haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna”,wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha .

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay Gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.

Inta badan gobollada dalka oo ay ka jiraan xaalado adag ayaa laga soo wariyaam cuduro dhibaato ku haya bulshada deegaanka oo aanan heli karin goobo caafimaad oo leh adeeg ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here