MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Daqare oo is-casilay kadib markii uu DFS ku eedeeyay mid aan ixtiraameyn dadka uu Siyaasada ku metelayey ee Jubaland, Puntland, iyo SSC-KHAATUMO.
Mudo Saacad gudaheed ah waa Wasiirkii 2-aad ee kasoo jeeda Jubaland oo iska casilaya shaqadii uu Qaranka u hayey, waxaana goor sii horeysay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta oo isna kaso jeedo Jubaland uu ka tegay shaqada, isaga oo sheegay in dano gaar ah loo adeegsaday dhaqaalihii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo kursigiisa ku metela Maamul-goboleedyada Jubaland, Puntland, iyo SSC-KHAATUMO ayaa u muuqda in uu ku fashilmay qancinta dadka uu Dowladda Federaalka ku metelayey.
Wasiiro kale oo Maamul-goboleedyadaas kasoo jeeda ayaa berri la filayaa in ay iska casilaan xilalka ay ka hayeen Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Is-casilaadaan ayaa muujinaysa sida ay usii kala fogaanayaan DFS iyo Maamulka Jubaland oo isagu dhawaan ka baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran.