Muqdisho — Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo shirka uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim.
Guddoomiyaha waxaa kulanka ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadidda ka doodista Cutubka Lixaad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan Qodobada 80-aad ilaa 95-aad, kuwaas oo la xiriira arrimaha fulinta iyo awoodaha xukuumadda.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan cutubka lixaad ay sii socon doonto, isla markaana lagu ambaqaadi doono kulanka xiga si loo dhammeystiro ka tashiga qodobada harsan.






