Muqdisho — Labada guddi ee wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshay kulankoodii labaad, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in la xoojiyo wada-hadallada siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa ah mid hordhac u ah shir ballaaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqday, kaas oo la filayo inay isugu yimaadaan masuliyiinta hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta ajandaha shirka la filayo, qaabka uu u dhacayo, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan oo wax looga qaban karo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wada-hadallada, si loo gaaro xal waara oo ku saleysan wada-tashi, midnimo qaran iyo xasillooni siyaasadeed.
Kulamadan ayaa la rajeynayo in ay gogol xaar u noqdaan shir qaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrimaha siyaasadda dalka.






