Labo Kursi oo ka banaan Gollaha Shacabka oo doorashadooda la qabanayo

0

MUQDISHO [SMN] – Gudiga doorashadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu qabanayo doorashadda labo kursi oo ka banaan Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Kursiyadan bannaanka ka taagan ayaa ka dhashay magacaabista Saadaq Omar Hassan, oo loo yaqaan Saadaq Joon, oo loo magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-raadinta Qaranka (NISA), iyo Mustaf Sheikh Ali Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Guddiga Doorashada ayaa go’aamiyay in doorashada kursiga HOP#248, oo uu hore u haystay Saadaq Joon, ay dhacdo 6-da Maarso, halka doorashada kursiga HOP#049, oo bannaan ka noqday kadib magacaabista Dhuxulow, ay dhacdo 8-da Maarso.

Sidoo kale, waxaa jira saddex kursi oo kale oo bannaan oo ka tirsan Golaha Shacabka. Kursiga uu hore u hayay Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa bannaan ka noqday kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Kursiyada kale waxaa bannaan ka noqday kadib geeridii Xildhibaanada Khadiija Maxamed Diiriye iyo Seeseey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa 25-kii Janaayo si rasmi ah ugu baaqay Guddiga Doorashada in ay si degdeg ah u buuxiyaan dhammaan shanta kursi ee bannaan si loo hubiyo matalaad buuxda oo baarlamaan ah.

Doorashooyinkan dheeraadka ah ayaa la rajeynayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta Golaha Shacabka ee Soomaaliya iyadoo lagu jiro xaalad siyaasadeed iyo amni oo adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here