Baydhabo — Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii la joojiyay wada shaqeyntii u dhaxeysay labada dhinac.
wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay adeegsato awood ku aaddan arrimaha masiiriga ah, gaar ahaan doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
Laftagareen ayaa muujiyay walaac ku saabsan habka loo wajahayo isbeddellada siyaasadeed, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay wadatashi iyo is-afgarad ballaaran si loo ilaaliyo xasilloonida dalka,DAAWO.
.




