Laftagareen oo la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada labada Gole + Sawiro

0

BAYDHABA (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Xildhibaanada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa ka wada hadlay sidii ay kaalin tooda uga qaadan lahaayeen wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wax ka qabashada saamaynta fatahaadaha iyo arrimaha siyaasadda dowlad-nimada Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay Koonfur Galbeed, taas oo u dhexeyo mucaaradka iyo Laftagareen.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here