Lix qof oo isku qoys ah oo maydadkooda laga helay magaalada Qaahira

0

QAAHIRA (SMN) – Illaa lix qof oo Soomaali ah, isla-markaana isku qoys ahaa ayaa meydkooda laga helay guri ay degnaayeen oo ku yaalla Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

 

Qoyskan ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen gaas Neef ahaan ay u qaateen kadib markii ay ka seexdeen gaaska oo furan.

Maalintii khamiistii ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen kadib markii ay neef qabatimeen oo uu ku baxay gaaska isla-markaana sidaasi ay u geeriyoodeen.

Booliska ayaa jabiyay guriga oo xirnaa iyadoo ugu dambeen lasoo saaray qoyska oo ka kooban Aabbe, gabar uu dhalay, wiilkii qabay iyo carruurtoo oo dhamaantooda geeriyooday.

Booliska waddanka Masar ayaa baaris ku wada lixdan qof ee meydkooda laga helay gurigii ay daganaayeen iyada oo la filayo in ay soo bandhigaan natiijada baaristooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here