Ma Al-Shabaab ayaa aano 15 sano kahor ah u dilay Wariye Amuun Cabdullaahi?

0

MUQDISHO (SMN) – Amuun Cabdullaahi oo aheyd Suxufiyad Soomaaliyeed oo mudo dheer ku nooleyd Dalka Sweden ayaa dhawaan lagu dhex dilay beer ay ku laheyd nawaaxiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

 

Koox hubeysan oo loo maleynayo AS ayaa dilay islamarkiiba ka baxsaday goobta.

Amuun oo ka shaqeynaysay Radio Sweden qeybteeda Af-Soomaaliga ayaa 2009-kii barnaamin dabogal ah ka diyaarisay dhaqdhaqaaqa ay Kooxaha diimeedka Soomaaliya ka wadeen gudaha dalkaasi Sweden si ay dhalinyaro uga qortaan.

Barnaaminkaas ayey aad uga caroodeen xiligaasi Dadka Muslimiinta ah iyo Soomaalida ku nool Sweden maadama ay u arkayeen mid ay Suxufiyadu ku qiyaameysay bulshada Muslimiinta ah ee Dalkaasi.

Amuun Cabdullaahi ayaa Barnaamijkeeda dabagalka ah intiisa badan diirada ku saartay xiligaasi Nin Soomaali ah oo magaalada Stockholm ee Dalka Sweden ay sheegtay in uu ka qorayey Dhalinyarada Soomaaliya u tagaya in ay ku biiraan Kooxo Diimeedyada hubeysan.

Ugu danbeyntii Amuun ayaa loo malaynayaa in ay sababsatay Barnaaminkaas 15-sano kahor baxay dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here