Maamulka G/Banaadir oo u digay qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Maxaxmed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa digniin u diray qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho oo ku eedeeyay inay ka shaqeeyeen dad aan dhaqaaqtiir aheyn.

 

Guddoomiye Yabooh ayaa tilmaamay dalka ay baabi’iyeen dad uu sheegay in aysan garaneyn waxa ay ka shaqeynayaan, sidoo kalena dhibaateeyay shacabka.

“Dalkeenna waxaa baabi’iyay dad aan dhaqaatiir aheyn, waxaa baabi’iyay dad aan aqoon u laheyn waxa ay ka shaqeynayaan, waxaa baabi’iyay daawo aan sax aheyn oo sidii la raba in dalka loo soo geliyo dadka lagu baabi’inaayo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga.

Sidoo kale wuxuu intaais ku daray in ka maamul ahaan ay la dagaalami doonaan dadkaasi, isla-markaana ay tagi doonaan isbitaallada iyo goobaha lagu iibiyo daawooyinka.

“Gobolka Banaadir sidaad ogtihiin waayihii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay daroogada inuu la dagaalamo. Wuxuu ka shaqeynayaa oo hadda soo socota isbitaallada inuu koontaroolo iyo farmashiyeyaasha daawooyinka yaalla isbitaallada, dadka gadaaya iyo dhaqaatiirta ka shaqeeya waa kusoo soconaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yabooh.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii u dambeeyay caasimadda ka waday howlgallo ballaaran oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo falalka anshax xumada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here