Maamulka Gedo oo la sheegay inay hoostagaan ciidamada Itoobiya

0

DOOLOW (SMN) – Maxamed Aadan Rukow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeedo gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda gobolkaas, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Shabelle.

 

Ugu horreyn Rukow ayaa eedeyn culus u jeediyay mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmooyinka wuxuuna sheegay inay si toos ah uga amar qaataan ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maalin kasta loogu yeero shir, ayna tegaan xarunta ciidamada Itoobiya ee degmada Doolow.

Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ay dhibaato ku hayaan gobolkan muddo ka badan 20 sano, isla markaana ay gaabisay dowladda dhexe.

Gedo ayaa waxaa muddo ka taagnaa xaalado siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan, hayeeshee dhowaan ayaa waxaa ka dhacay isbeddalo wayn, kadib markii uu mas’uuliyiin u soo magacaabay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here