Maamulka Gobolka oo amray in la joojiyo dhismaha ka socda agagaarka garoonka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabasho uga timid shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadka u yimid Garoonka Aadan Cade uu amar kasoo saaray dhismooyinka dhaadheer ee ka socda nawaaxiga garoonka.

 

Amar kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu joojiyay dabaqyada laga dhisayo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

”Waxaa gabi-ahaanba la joojiyay dhismayaasha dhaadheer ee ka socda xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed loo akhriyay warbaahinta.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cabasho ka timid diyaaradaha Caalamiga ah ayaan ka jawaabeynaa, guri kasta oo dheer oo ku yaala ag-agaarka garoonka waa in nalal lagu xiraa”.

 Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here