Maamulka gobolka Banaadir oo war kasoo saaray geerida Ikraan Xooshey

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Xafiiska Sports-ka, Madaxda xafiisyada & Dhammaan Shaqaale weynaha Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose ee Xamar waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, asxaabta iyo bahda G/Banaadir, ayagoo ka tacsiyeynaya geerida ku timid Allaha u naxariisto Marwo Ikraan Abdullahi Maxamed (Xooshey), Guddoomiyahii Kubadda Koleyga Gobolka Banaadir oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

 

Marxuumad Ikraan waxay eheyd gabar karti badan islamarkaana si hagar la’aan ah ugu soo shaqeysay dalkeeda, ayadoo kaalin mug leh ku lahayd horumarka cayaaraha & isdhexgalka bulshada ee Gobolka Banaadir.

Qabrigeeda Allaha u waasaciyo, Dhamaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka geeriyootayna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

انا لله وانا اليه راجعون

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here