Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo wareejiyay deeq loogu talagalay ciidanka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Deeq ka kala timid Maamulada iyo Bulshada Degmooyinka Gubadleey, Kaaraan, Shibis iyo Howlwadaag ku wareejiyay Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka ee lagu taageero Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye Yabooh ayaa u mahadceliyay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shacabka Caasimadda doorka ay ka qaadanayaan taageerada Ciidamada Qaranka ee ku howlan la dagaallanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab iyo gaashaan u yahay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here