Maamulka gobolka iyo saraakiisha amniga oo ka shiray amiga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

 

Shirkaan ayaa waxaa  goobjoog ka ahaaGuddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Inta uu socday kulanka waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here