Maamulka Koonfir Galbeed oo soo saarey amar cusub xili ay jirto xiisad dagaal

0

BAYDHABO – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha Ciidanka aysan ka bixi karin Baydhabo, xili ay sii kordhayso xiisada siyaasadeed iyo mida dagaal ee gobolka.

 

“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa masuuliyadda ka saaran sugidda Amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada Dowladda KGS, waxay halkan ku wargelinaysaa dhammaan saraakiisha kor ku xusan in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 16/03/2026 aysan magaalada Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe inta laguguda jiro howlo Amniga lagu xaqiijinayo, Sidaas darteed, dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku xusan warqaddan waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan amarkaan, ilaa amar kale oo rasmi ah ka soo baxo Wasaaradda Amniga Gudaha DKS.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

 

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo xanibaad saartay safarka saraakiisha Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here