Laascaanood, Soomaaliya – Maamulka Woqooyi-bari ayaa soo saaray war-saxaafadeed adag oo ay si weyn ugu cambaareeyeen Puntland, kaddib markii ay si cad uga hortimid qorshaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in doorashooyin uga qabato gobollada Sool iyo Cayn.
War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu eedeeyay Puntland inay ku kacday faragelin toos ah oo ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah ee dalka, isla markaana ay carqaladaynayso dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyin sharci ah oo ka dhaca deegaannada lagu muransan yahay.
Maamulka Woqooyi-bari ayaa caddeeyay in doorashooyinka qorshaysan ay ku saleysan yihiin Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada qeexaya awoodaha dowladda federaalka iyo waajibaadka guddiyada doorashooyinka. Waxay sheegeen in cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso geeddi-socodkaas ay qaadi doonto masuuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara.
Sidoo kale, maamulka ayaa Puntland ku eedeeyay inay hurinayso xiisado amni iyo kala-qaybin siyaasadeed, taas oo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta wada noolaanshaha bulshada iyo dadaallada nabad-dhisidda ee ka socda gobollada waqooyi-bari.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in maamulka Woqooyi-bari uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, dastuurka iyo danaha guud ee shacabka, isla markaana aanu aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu hor istaagayo xaqa muwaadiniinta ee ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Ugu dambayn, maamulka ayaa Puntland ugu baaqay inay ka laabato diidmadeeda ku aaddan doorashooyinka, isla markaana ay joojiso faragelinta ay ku hayso deegaannada Sool iyo Cayn, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed haddii arrintaasi sii socoto.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa ku soo beegmaysa xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo nidaam doorasho oo loo dhan yahay, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan xaaladda ka taagan gobolladaas.





