MUQDISHO (SMN) – Talliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa xalay si adag uga hadlay dibadbaxii shalay ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Dibadaxaas ayaa waxaa ka dhashay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana ka dhashay dhimashada wiil dhalinyaro ah iyo dhaawaca dad kale.
Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.
Sidoo kale ytaliyaha ayaa sheegay in maanta laga cabanayey wax aan macna badan laheyn, balse uu dhacay dhib kii laga cabanayey ka weyn oo qof dhintay.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda kadib ay baacsa doonaan dadka abaabula banaanbaxyada noocaan ah, si looga baaqsado in wixii maanta oo kale ay dhacaan.