Macawiisleyda Deegaanka oo Hawlgal Ballaaran ka Fuliyey Shabeellaha Dhexe

0

HIIRAAN – Macawiisleyda deegaanka ayaa hawlgal ballaaran ka fuliyey deegaano hoostaga deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Hawlgalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ka qeyb qaatay tiro badan oo ka mid ah Macawiisleyda deegaanka, iyagoo weerarro ku qaaday xubno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa deegaannadaasi.Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgalka, gaar ahaan kuwo ku socday mootooyinka nooca Fikonta, kuwaas oo la bartilmaameedsaday intii uu socday howlgalku.

Howlgalladan ayaa weli socda, iyadoo ujeeddadoodu tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro dhammaan goobihii ay si ku-meel-gaar ah u soo galeen. Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in duqeymo lagu taageerayo hawlgalka ay ka socdaan deegaannada qaar, si loo wiiqo awoodda kooxda.

Haddii aad hayso Macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda AS.

👉 Wac ☎️ 0611169105.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here