Beledweyne – Dagaalyahanno ka tirsan Macawiisleyda ee kusoo dhaawacmay dagaallada gobolka Hiiraan ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladooda caafimaad iyo badqabkooda, iyagoo sheegay in ay dareemayaan dayac iyo khatar nafeed oo ay la kulmi karaan.
Macawiisleyda ayaa sheegay in xilalka laga qaaday shaqsiyaadkii ay ku kalsoonaayeen ee gacanta ku hayay daryeelkooda intii ay ku jireen isbitaalka, taas oo, sida ay sheegeen, abuurtay walwal gaar ah. Waxay tilmaameen in la beddelay agaasimihii qeybta ay ku jireen, saraakiil caafimaad iyo howlwadeenno kale oo ay si dhow isula shaqeynayeen.
“Dadka na daryeelayay ee aan isku haybka nahay, kuwaas ayaa xilkii laga qaaday. Ma garanayno sababta, balse arrintu waxay nagu abuurtay shaki iyo walbahaar badan,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaawacyada la hadlay warbaahinta gudaha.
Macawiisleyda ayaa dowladda iyo maamulka gobolka ugu baaqay in si degdeg ah loo soo farageliyo xaaladooda, lagana hortago wax kasta oo khatar galin kara noloshooda. Waxay sheegeen in ay dareensan yihiin in laga sii jeestay, isla markaana u baahan yihiin daryeel joogto ah iyo ilaalin.
Kooxda Macawiisleyda ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ka dagaallama gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana dhaawacyadoodu ay astaan u yihiin halgankooda.
Sidaas darteed, waxay dalbadeen in lagu ixtiraamo kaalintooda, islamarkaana aan lagu dayacin xarumaha caafimaadka.




