Macawiisleyda Xarar-dheere oo ka gadooday xuquuq la’aan, kana digay in ay aagagga faarujiyaan

0

XARAR-DHEERE, Mudug – Macawiisleyda ka howlgasha degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa muujiyay gadood xooggan, iyaga oo ka cabanaya xuquuq la’aan muddo sanado ah tan iyo markii ay ku biireen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Dagaalyahanadan deegaanka ah ayaa sheegay in aysan helin wax taageero ah oo muuqda oo uga timaadda dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay gacanta ku hayaan magaalo istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay kooxda Al-Shabaab isku dayday in ay dib u qabsato.

Nabadoon Maxamed Shire Jimcaale oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay kasii darayso maalinba maalinta ka dambeysa, islamarkaana dowladda aysan ka dhabeynin ballanqaadyadii ay hore u samaysay.

“Dowladdu waxay nagu ballanqaaday taageero ciidan, dhaqaale iyo mid tababar, laakiin dhammaan waxaas waa hadal afka kasoo baxay, wax muuqda ma hayno. Macawiisleydu waxay hadda qarka u saaran yihiin in ay kala dareeraan oo ay faarujiyaan aagagga ay difaacayaan,” ayuu yiri nabadoonka.

Macawiisleyda Galmudug ayaa muddooyinkii dambe lagu tilmaamay in ay yihiin cudud weyn oo deegaanka kasoo jeeda, kuna guuleystay in ay Al-Shabaab kala wareegaan magaalooyin muhiim ah, taasoo ahayd kacdoon dadweyne oo si is abaabul ah uga dhacay deegaanno badan.

Baaqyo isdaba joog ah ayaa loo jeediyay dowladda Federaalka si ay u daryeesho ciidamadan deegaanka ah, loona ilaaliyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, hase yeeshee illaa iyo hadda wax tallaabo ah lagama hayo dhanka dowladdu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here