Madaale iyo wasiirka arrimaha gudaha oo booqday dhul la burburiyay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN)  – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la baneeyay.

 

Kormeerka ayaa waxaa Madaxda ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, waxa ayna u mahadceliyeen shacabkii halkaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay baneeyaan xarunta Wasaaradda kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla markaana ay ku shaqeyso Wasaaradda.

“Waan u mahadcelinaynaa dadkii Qeylo iyo Rabsha la’aanta uga guurey Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here