Madaale oo deeq guddoosiiyay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka qaba

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ku qaabilay ku dhawaad boqol qof oo kamid dadka baahiyaha gaarka qaba.

 

Guddoomiyaha ayaa dadkan gudoonsiiyay deeq isugu jirta Lacag iyo raashiin oo loogu talagalay in ay nolashooda kuu maareeyaan.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale mid mid u wareestay dadka baahiyaha gaarka qaba, isaga oo ka dhageestay warbixina la xariira xaaladaha ay ku nool yihiin iyo waxa ay u baahan yihiin in laga taageero.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in maamulkiisa uu had iyo jeer garab taagan yahay sidii dadka baahiyaha gaarka qaba u heli lahaayeen fursada ay nolashooda ku hormariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here