Yuusuf Madaale oo guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha maareynta iyo xal-u-helida Biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.

 

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Injeero ka socday hey’adda Hydro Nova oo soo bandhigayay Qeybtii 1-aad ee Naqshadeynta laga sameeyay 9-Degmo oo ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo diyaar garowga bilaabashada qeybta 2-aad ee lagu naqshadeenayo Degmooyinka harsan, si muddada ugu dhaw loo soo gaba-gabeeyay qorshaha Naqshadeynta Biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here