Madaale oo xalay guddoomiyay shir looga hadlay amniga Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho, kaasi oo ka qabsoomay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Kusimaha Taliyaha Hey’adda NISA Mudane Muxiyadiin Warbac Shadoor ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga loogu dhageystay Saraakiisha Hey’addaha kala gedisan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalada Amni ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeyn ku amaanay Saraakiisha iyo Ciidamada kala gedisan ee Laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku naaloonayaan shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here