Madaale oo ka qayb-galay xiritaanka shir looga hadlayay maqaamka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay xeritaanka kulan howleedka Maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, kaasi oo labo maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, waxaa uuna carabka ku adkeeyay in Dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa dhankiisa boogaadiyay kulan howleedkaan diirada lagu saarayay hanaanka Maqaamka Caasimadda, asigoona xusay in shacabka Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay baahi weyn u qabaan dhameystirka Dastuurka iyo in shacabka Gobolka Banaadir ay helaan Matalaadooda.

Madashaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, La-taliyeyaal ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Ururka Haweenka, Madaxda Bulshada Rayidka iyo mas’uuliyiin kale.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here