Madaale oo kormeer ku tagay waddada isku xirta Isgoyska Dabka illaa Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka G/Banaadir, iyo xubno kale ayaa kormeer ku tagay waddada dheer ee isku xerta Isgoyska Dabka illaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

 

Waddadan ayaa waxaa waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay gudaha Caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta , xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray iyagoona sheegay in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee wadadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi oo Halbowla u ah isku socodka suuq weyn ee Bakaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here