Madaale oo kulan la xisaabtan la qaatay maamullada Waabari iyo Xamarjajab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari.

 

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta Horumarada iyo Caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Wabar, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Ugu danbeyntii waxa uu Duqa Muqdisho faray Madaxda Maamulada Degmooyinka Xamar jajab iyo Wabari in si dhaw looga war haayo bulshada ku nool Degmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here