Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Madaxa Hey’adda Iskaashiga ee Japan

0

HIMEJI (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka Japan kula kulmay madax sare oo ka tirsan hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaasi (JICA).

 

Agaasimaha hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Japan qeybta Africa Momita Yasuki ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay mashaariicda ay hay’addooda ka waddo dalalka Afrika,gaar ahaan Soomaaliya,

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday in laga caawiyo dhisidda xarumaha gurmadka degdega ah ee maamul goboleedyada, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adda maaraynta musiibooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here