Muqdisho, 17 Sebtembar 2025 – Madaxda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si degdeg ah u qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo xusay in tani tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadinka iyo helitaanka adeegyada dowladda.
Baaqa NIRA ayaa yimid iyadoo la xusayo Maalinta Aqoonsiga Adduunka, taas oo fursad u ah kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiimadda kaarka aqoonsiga iyo doorka uu ka ciyaaro dhismaha dowladnimada casriga ah.
Hay’addu waxay ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed inay is-diiwaangeliyaan oo ay ka faa’iideystaan fursadda is-diiwaangelinta lacag la’aanta ah ee socda muddo kooban.
NIRA ayaa hoosta ka xariiqday in Kaarka Aqoonsiga Qaranku uu yahay aalad muhiim u ah helitaanka adeegyada dowladda sida waxbarashada, caafimaadka, iyo fursadaha shaqo.
Sidoo kale, NIRA waxay carrabka ku adkaysay in is-diiwaangelintu ay tahay waajibaad muwaadinimo oo fududeynaya in la gaaro adeegyo hufan, lana dhiso nidaam maamul oo sugan oo salka ku haya xog dhab ah oo laga hayo muwaadiniinta.
Hay’addu waxay ugu dambayn ku dhiirrigelisay bulshada in aysan seegin fursaddan, si dalka looga hirgeliyo nidaam aqoonsi oo casri ah oo ay ka faa’iideysan karaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.




