GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladmudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland.
Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Puntland.
Sidoo kale waxay guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada: