Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi uu hugaaminaayey Agaasimaha Cusub ee Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Niyazi kalaycı,waxaana kulankan qeyb ka ahaa Agaasimihii hore Hassan celalettin iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada hay’addood,Tababarida shaqalaha ka howgala xarumaha gurmadka deg-degga ah iyo dadka ku nool meelaha dhibaatada ka dhici karto iyo helista qalabka gurmadka deg-degg ah,in Bisha cas Turkiga SoDMA ka caawiso helista xarumo dhiiga lagu keediyo, in deeganada khawaarjta laga saaray la gaarsiiyo gargaar,iyo in mashaariicyo dadka iyo dalka muhiim u ah laga fuliyo deganadaas iyo guud ahaan dalka.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim ayaa soodhaweeyey Agaasimaha cusub,isaga oo u rajeeyey in uu dardargalin doono howlaha bin’aadamnimo ee dalka kawadaan,dhanka kale Guddoomiye Maxamuud ayaa Agaasimihii hore Hassan celalettin uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneed ee dhexmartay inta uu xilka hayey, isaga oo u rajeeyey meelo kale oo wanaagsan.