KISMAAYO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.
Waxaa wafdiga Xasan Sheekh Garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Masdoobe, oo ay wehliyeen mas’uuliyiin sare iyo shacabka magaaladda.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha ayaa sii wadi doona wadatashiyo muhiim ah oo ku saabsan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Wadatashiyadan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo midnimada, isfahamka iyo wada-shaqeynta dhammaan gobollada dalka, si loo hubiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ay wada gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Safarka Madaxweynaha ayaa sidoo kale ah qayb ka mid ah qorshayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mideynta aragtiyada iyo dardar-gelinta heshiisyada siyaasadeed ee muhiimka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaadan doona mas’uuliyiinta maamulka Jubaland, iyadoo la filayo in safarka uu ka mid noqdo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu hogaaminayay dowladda Federaalka Soomaaliya, ku guuleystay in uu hirgaliyo isbeddelada siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah xoojinta dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.




