Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanyo safiirada caalamka..

 

Qoor Qoor ayaa maanta la kulmay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, midda Galmudug, taageerada Mareykanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay ula kulmay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya mudane Michael Nithavrianakis, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga oo dhinacyo badan leh, la dagaalkan argagaxisada, arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta.

Kulamadan ayaa waxa ay kusoo aadayaan, ayada oo Galmudug ay wajaheyso xaalad adag oo ku aadan doorashada iyo xiisad ka dhalatay hubkii lagu boobay degmada Caabudwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here