Madaxweynaha Aljeeriya oo Qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya

0

ALJEERIYA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Abdelmadjid Tebboune, ayaa maanta qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Waxbarashada, Mudane Farah Sheekh Cabdulqaadir.

 

Kulanka ayaa Ergeygu Madaxweyne Tebboune ku gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo la xiriirtay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada waxbarashada, diblomaasiyadda iyo horumarinta danaha wadajirka ah.

Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Mudane Boualem Boualem, Agaasimaha Golaha Wasiirrada ee Madaxtooyada Aljeeriya; Mudane Amar Abba, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Diblomaasiyadda; iyo Mudane Mohamed Seghir Saadaoui, Wasiirka Waxbarashada Qaranka Aljeeriya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga waxbarasho iyo diblomaasiyadeed, si ay uga faa’iideystaan labada shacab ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here