Madaxweynaha dalka Masar oo gaaray magaalada Asmara + Sawirro

0

ASMARA (SMN) – Kadib Casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray magaalada Asmara, hore ee maanta, halkaas oo booqasho rasmi ah u jooga Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweyne el-Sisi iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaranka, Madaxa Golaha Wasiirada Madaxtooyada, iyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki.

Labada mas’uul ayaa gelinka dambe ee maanta ka wadahadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo khuseeya Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa xigi doona shir madaxeed saddex geesood ah oo dhexmari doona Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sisi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadlayo xoojinta xiriirka saddexda dal iyo sidoo kale arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here