Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Jowgar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo la yeelan doono madaxda sare ee HirShabelle, isaga oo kala hadli doono khilaafaadka weli ka jira maamulkaasi.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u booqday HirShabelle, isaga oo sidoo kale tegay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here