Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusamareeb ka furay shir dib u heshiisiin ah

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq.

 

Qoor Qoor ayaa ku boorriyay salaaddiinta iyo nabaddoonnada iney guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa guddi culima ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan, cidna u xeen isla markaana ay dowladdu ku garab taagan tahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here