KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka labada, gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kala qeybgalay soo dhawaynta wafdigan oo maalmaha soo socda booqasho ku joogi doona Jubaland.
Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor ayaa wada-hadallo ku yeelan doono magaallo xeebeedka Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Kulamadaas ayaa waxaa lagu soo qaadi doono dagaalka Al-Shabaab, fatahaadaha dalka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah oo ay haatan ka taagan tahay dood xoogan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-