Madaxweynaha Galmudug oo hambalyo u diray shacabka Muqdisho kadib doorashooyinka Golaha Deegaanka

0

DHUUSAMAREEB — Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa hambalyo u diray shacabka caasimadda Muqdisho oo maanta si nabad-gelyo, xasillooni, xaddaarad iyo niyad wanaag leh uga qayb qaatay codbixinta doorashooyinka Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sida mas’uuliyadda leh ee ay dadweynuhu ugu dareereen goobaha codbixinta, isagoo ku tilmaamay ka-qaybgalkaasi mid muujinaya bisayl siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka ee ku aaddan dimuqraadiyad dhab ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ammaanay Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo hay’adaha ammaanka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay si hufan oo xilkasnimo leh u guteen waajibaadkooda, isla markaana xaqiijiyeen in doorashadu ku qabsoonto jawi nabdoon.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in doorashooyinkan ay yihiin guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed, kana dhigan tallaabo horay loogu qaaday dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo sal adag leh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, go’aanka taariikhiga ah iyo dadaalka joogtada ah ee uu geliyay in muddo ku dhow 60 sano kadib, shacabka caasimadda ay si toos ah codkooda ugu doortaan wakiilladooda Golaha Deegaanka.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay u diyaar garoobaan ka-qaybgalka doorashooyinka, si ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda, una xoojiyaan hanaanka dimuqraadiyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here