Jowhar, Oktoobar 28, 2025 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ku magacaabay wasiirro cusub iyo xilal kale oo muhiim ah oo ka mid ah golihiisa wasiirrada.
Wareegtadan oo la shaaciyay Isniinta maanta ah, ayaa lagu saleeyay qodobbada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabelle, kuwaas oo siinaya Madaxweynaha awoodda uu ku magacaabi karo ama ku beddeli karo xubnaha golaha wasiirrada marka loo baahdo hagaajinta hufnaanta iyo waxqabadka dowlad goboleedka.
Isbeddelladan ayaa saameeyay afar wasaaradood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa magacaabay xubnaha cusub ee hoos ku xusan:
- Bashi Cabdi Maxamed – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
- Saale Maxamed Xasan – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
- Cabdikariim Nuur Xasan (Doob-yare) – Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
- Cumar Maxamed Soomane – Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Wareegtada ayaa lagu sheegay in isbeddelladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxtarka shaqada ee golaha wasiirrada, si loo dardargeliyo bixinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista maamul wanaagga gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle.




