DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Dowladda Galmudug.
Cali Guudlaawe waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusa-Mareeb kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Maraxweyne Ku Xigeenka Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo iyo Masuuliyiin kale.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya halkaan.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka furmo gudaha caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-